News Block
Fullwidth Featured
Wiil iyo gabar wax ka sheegay ciidamada Somaliland oo xabsiga la dhigay
Ciidamada Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay wiil ka mid ah dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo gabar ka mid ah dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa. Wiilka oo lagu magacaabo Maxamuud Jeesto ayaa loo haystaa qoraal uu galabta ku qoray bartiisa Facebook kaas oo uu Taliyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya General Odowaa […]
RW. Rooble oo ka hadlay sanadguurada ciidamada xilli uusan ka qeybgalin munaasabadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga ee dalka. Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiirka gaashaandhigga maanta kama aysan qeybgelin munaasabadda xuska 12-April oo ku beegneyd maalintii la aasaasay ciidanka xoogga. Tani ayaa muujinaysa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble. Wasiirka gaashaandhigga oo xulafo la ah ra’iisal […]
Muslimiinta ku nool Adis Ababa oo dowladda Itoobiya ka helay war ay ku farxeen.
Golaha sare ee Muslimiinta ee magaalada Adis Ababa ayaa ku dhawaaqay in ardayda wax ka barata caasimadda Itoobiya loo oggalaaday in salaadda duhur ay ku tukadaan bannaanka iskuullada ay dhigtaan. Sheekh Cali Maxamed Shifa oo ah madaxweyne ku xigeenka Golaha Muslimiinta ee dalka Itoobiya,ayaa sheegay in xafiiska waxbarashada magaalada uu u oggaaladay aradyda Muslimiinta ah […]
Xoghayaha QM iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka wada-hadlay doorashooyinka Dalka.
NEW YORK – Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay oo khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farjaamo ayaa kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihin doorashooyinka, arrimaha amniga, abaaraha iyo hawlgalka cusub ee ATMIS. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres iyo madaxweyne Farmaajo ayaa […]
C/Qaadir Cosoble oo mar kale ka mid noqonaya Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa caawa magaalada Jowhar ka qabsoontay Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-140 oo deegaan Doorashadiisu tahay maamulka Hirshabeelle. Cabdulqaadir Cosoble Cali ayaa ku guuleystay kursiga HOP#140 isaga oo helay 76, halka musharixii la tarmay ee Cabdikariin Cilmi Tifow uu helay 22 codadka Ergada. Waa markii saddexaad oo Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble uu ku guulleysto kursiga, isaga oo […]
Midowga Musharixiinta oo ka digey in Ciidanka loo adeegsado Arrimo Siyaasadeed.
Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha aya looga hadlay Munaasabadda 12-ka April ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ugu horreyn fariin Hambalyo ah loogu diray Ciidanka qoraalka midowga. Sidoo kale, Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa lahgu caddeeyay in Munaasabadda 12- ka April ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in ay Ummadda […]
Axmed Madoobe “Doorasho shicimeyso inta ay Gedo maqan tahay”
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si faahfaahsan waxa uu kaga hadlay xaalada guud ee dalka iyo kuraasta 16-ka kursi ah ee doorashadoodu taalo magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo. Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si faahfaahsan waxa uu kaga hadlay xaalada guud ee dalka iyo kuraasta 16-ka kursi […]
QISO CAJIIB AH: Maxay dareemayaan haweenka nimankooda ka maqan?
Waxaan halkan idinkugu soo gudbinayaa qiso cajiib ah oo ku saabsan haweenka ay ka maqan nimankooda taasi oo dhacday xilligii saxaabada ee sidinaa Cumar Bin Khadaab RC. Amiirka mu’MINIINTA Cumar Bin Khadaab isagoo xilli habeen ah kormeeraya magaalada ayaa wuxuu haweeney xilli dbe soo jeeda markaasuu su’aalay xaaladeeda waxayna “Ninkeyga ayaa iga maqan muddo sanooyin […]
Jilaaga Will Smith ayaa laga mamnuucay ka qeyb galka Oscars muddo 10 sano ah
Will Smith ayaan loo ogolaan doonin inuu ka qeyb galo Abaalmarinta Akadeemiyada 10-ka sano ee soo socota, taasoo ka dhalatay dhirbaaxadii uu masraxa ku garaacay majaajiliiste Chris Rock intii lagu guda jiray xafladda Oscar-ka ee sanadkan, Akadeemiyada Motion Picture Arts & Sciences ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay CNN. “Guddigu waxay go’aansadeen, muddo 10 […]
Fahad Yaasiin oo dacwad ka gudbiyay guddiga FEIT.
Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad sugidda qaranka Soomaaliya, haddana ah la taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa dacwad ka dhan ah guddiga doorashooyinka heer Federaal u gudbiyay maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya. Fahad Yaasin ayaa guddiga doorashooyinka FEIT ku eedeyay in ay si aan sharci darro ah ay u […]
