1 min read

Wiil iyo gabar wax ka sheegay ciidamada Somaliland oo xabsiga la dhigay

Ciidamada Somaliland ayaa xalay xabsiga dhigay wiil ka mid ah dhalinyarada Gobolka Togdheer iyo gabar ka mid ah dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Wiilka oo lagu magacaabo Maxamuud Jeesto ayaa loo haystaa qoraal uu galabta ku qoray bartiisa Facebook kaas oo uu Taliyaha Ciidamada Qaranka Soomaaliya General Odowaa ku ammaanay dhisamaha ciidamada Soomaaliyeed.

Maxamuud Jeesto, sidoo kale waxa qoraalkan lagu xidhay uu ku sheegay in ciidamada Somaliland uu la hadhay Taliye Nuux Taani oo ah Sarkaal kacaan ka hadh ah una kala abtiriya ciidamada kaas oo ku sifoobay qabyaalad waa sida uu hadalkiisa u dhigay e.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa saacad kaddib isla xalay waxay xabsiga u taxaabeen Hibo Faysal, oo kamid ahayd qoysaskii hantidoodu ku gubatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen.

Hibo ayaa loo haysta hadalo ay warbaahinta ka sheegtay oo ahaa in Dalaayadihii lagu caawinayay dadka ay Boolisku ka qaadeen oo dib lacag uga siinayaan.

Waxaa kalo Hibo, warbaahinta ka sheegtay in aan dhibaatada Suuqa Waaheen waxba loo noqonaynin ee doorashadu xilligeedu ku dhacdo.

Xukuumadda ayaa hadalka gabadhan ka cadhootay taasi oo keentay in xabsiga loo taxaabo.