|

Saxafi lagu dilay Pakistan

Husnain Shah oo 40 jir ah ayaa lagu dilay magaalladda Lahore ee dalkaasi, xilli uu ka baxsanayey dabley soo weerartay.

Saxafiga oo ahaa Weriye Dabagalka Dembiyada waxa uu u shaqaynayey Telefishinka Capital TV, wuxuuna xubin ka ahaa Naadiga Warbaahinta ee The Lahore Press ee magaalladda Lahore.

Xogaha ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ayaa muujiyey in Saxafiga oo watay gaarigiisa lagu weeraray, xilli uu ka ag dhawaa Dhismaha Naadiga Saxaafadda ee Lahore.

2 dabley hubeysan oo watay Mooto ayaa la sheegay inay gaariga Weriyaha ku fureen rasaas badan oo sababtay dhimashadiisa.

Muuqaalo lagu duubay Mobaylo iyo Kaamerooyinka Warsoon (Mobile phone and CCTV camera footage) waxay muujiyeen 2 dablay oo mooto ku baxsaday dilkaasi kadib, iyadoo 10 xabbad lagu dhuftay Saxafiga.

☆Ustaad Nuradin Haji

Posted by on Jan 26 2022. Filed under Caalamka, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]