1 min read
RW. Rooble oo ka hadlay sanadguurada ciidamada xilli uusan ka qeybgalin munaasabadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray ciidanka xoogga ee dalka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiirka gaashaandhigga maanta kama aysan qeybgelin munaasabadda xuska 12-April oo ku beegneyd maalintii la aasaasay ciidanka xoogga.
Tani ayaa muujinaysa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble. Wasiirka gaashaandhigga oo xulafo la ah ra’iisal wasaaraha ayaa muuqaal uu xalay soo duubay hambalyo hordhac u diray ciidamada.