21 Apr, 2024
1 min read

Taliyihii booliska gobolka Benaadir Farxaan Qaroole oo qarax miino lagu dilay.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole ayaa lagu dilay qarax ka dhacay agagaarka degmada Balcad oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni. Allah ha u naxariistee taliye Farxaan Qaroole ayaa ku dhintay halka […]

1 min read

Golaha Wasiirrada oo dhageystay Warbixin ku saabsan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Hamse Cabdi Barre, ayaa wasaaradaha Difaaca iyo Amniga dalka looga dhagaystay warbixinno ku saabsan howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo sugidda amniga Magaalooyinka lala wareegay. Toddobaadkii hore ayaa Golaha Wasiirradu waxa ay magacaabeen Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka argagixisada lagu dabargoynayo, waxaana wasaaradihii guddigaas ka midka ahaaa […]

1 min read

Ciidanka Dowladda oo sheegay inay burburiyeen Maxkamado Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Bay.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheeysan ka sameeyay degaano ka tirsan gobolka Bay ayaa bur-buriyay Maxkamado ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi. Saraakiisha Hoggaamineysa Howgalka ayay Ciidanka gaar ahaan Ururka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60-aad ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah uga sameeyeen deegaannada War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-cadooy, iyo Moodo Moodo. Taliyaha Ururka 46-aad Xidigle […]

1 min read

WHO oo sheegtay in goor dambe la ogaaday cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda.

Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in cudurka Ebola ee ka dilaacay Uganda la ogaaday goor dambe. Baaritaano horudhac ah ayaa sheegaya in astaamaha ay bukaanada ku soo baxeen bishii Ogosto balse aanan isla markiiba horay laga ogaanin. Ugu yaraan 24 qof ayaa ilaa hadda laga helay cudurka Ebola, kaas oo ay u […]

1 min read

Ruushka oo duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey gudaha Ukraine.

Diyaaradaha Ruushka ayaa la sheegay habeennimadii xalay iney duqeymo culus ka geysteen qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Bariga Ukraine. Barasaabka gobolka Dnipropetrovsk Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda gobolka Dnipro, halka 13 […]

1 min read

Dagaal culus oo ka dhacay degaanka Ceel Qooxle iyo Nabadoon Caan ah oo lagu dilay.

BELEDWEYNE — Inta la xaqiijiyay 10 qof ayaa lagu dilay dagaal culus oo maanta degaanka Ceel Qooxle ee gobolka Hiiraan ku dhexmaray ciidanka degaanka ee Macawiisley iyo kooxda Al-Shabaab. Dadka ku dhintay dagaalka maanta waxaa ku jiray nabaddoon Cilmi Hagar Guure oo hormuud u ahaa kacdoonka Al-Shabaab loga soo horjeedo ee ka socda gobalka Hiiraan. Dagaalka […]

1 min read

Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman oo ku guuleystay abaal-marin caalami ah.

STOCKHOLM — Fartuun Aadan iyo Ilwaad Elman, oo ah laba gabar oo Soomaali ah oo u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda aadanaha, ayaa maanta ku guuleystey abaalmarinta Right Livelihood Award ee Sweden, taasi oo Sweden ay u aragto beddelka abaalmarinta Nobel-ka. Hay’adda Right Livelihood oo bixisa abaal-marintan ayaa sidoo kale abaal-marisay iyo qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo u […]

1 min read

Eritrea oo hub iyo ciidan ku diyaarsatay xuduudda ay la wadaagto Itoobiya.

NAIROBI — Ssawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in isu-urursi ciidan uu bishan ka socday magaalooyinka labada dhinac ee xuduudka woqooyi ee Itoobiya ay la wadaago Eritrea, sida ay sheegtay shirkad madax-bannaan oo Mareykan ah Arbacadii. Wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintan ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sawirada muujinaya dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la sheegay […]

1 min read

Mo Faarax oo ka haray orodka London Marathon kadib dhaawac soo gaaray.

LONDON — Orodyahanka Mo Farah ayaa ku khasabanaaday inuu uu ka haro tartanka marathon-ka ee lagu wado inuu Axadda ka dhaco magaalada London sababo la xiriira dhaawac kasoo gaaray sinta, iyada oo tani sii kordhineyso shakiga 39-sano jirkan ee ka qeybgalka tartamada mustaqbalka. Ciyaaryahanka afarta jeer ku guuleystay billada dahabka ee Olombikada ayaa lagu waday inuu […]