July 2022
Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ka hadlay duqeynta diyaaradaha Itoobiya ee Hiiraan.
Duqeyn ayaa maanta duhurkii laga soo sheegay inta u dhexeysa Matabaan iyo Beledweyne gaar ahaan aag hoostaga deegaanka Coomaad halkaas indhawaalaba ay isku hor fadhiyeen ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab. Dadka deegaanka ayaa sheegay in maanta ay arkayeen diyaarado joog hoose ku duulayey. Al-Shabaab waxay sheegtay in diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya […]
Dagaal xooggan oo dhex maray Afghanistan iyo IIraan.
Ciidamada Taalibaan ee dalka Afgaanistaan iyo ciidamada ilaalada xadka Iran ee ku sugan xadka ayaa waxaa dhex maray dagaal xooggan . Dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in mid ka mid ah saraakiisheeda lagu dilay dagaalka oo maanta oo Axad ah ka dhacay xadka u dhaxeeya gobolka Nimroz ee dalka Afghanistan iyo gobolka Hirmand ee dalka Iran. […]
Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Galmudug oo ku heshiiyay iskaashi ka dhan Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida iyo kuwo dowlad goboleedka Galmudug oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilli Dowlad Deegaanka ay toddobaadkan wajahaysay duullaan Al Shabaab soo qaadday . Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya. Beddel […]
Al-Shabaab oo dil toogasho ah ku fulisay Rag ay ku eedeysay Basaasnimo.
Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dil toogasho ah ku fulisay lix qof oo ay ku eedeeysay inay basaas u ahaayeen sirdoonka Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Al Shabaab. Lixdan qof ayaa lagu toogtay goob fagaare ah oo ay dadweyne ku sugnaayeen oo ku taalla tuulada Buulaay oo dhacda gobolka Baay […]
Caro ka dhalatay nin madow ah oo lagu dilay Talyaaniga.
Caro ayaa ka dhalatay nin soo galooti ah oo Afrikaan ah oo dharaar cad lagu dilay gudaha dalka Talyaaniga. Muuqaal ay duubeen dad goobta ku sugnaa oo aan xitaa isku dayin inay kala qabtaan ragga, ayaa muujinaya ninka soo galootiga ah ee Nigeria u dhashay oo uu madaxa dhulka ugu hayo nin caddaan ah. 32 […]
Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah oo hubkooda wata.
Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir & Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro. Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo […]
Maraykanka oo ka digay in Al-Shabaab qorshaynayeen inay weeraro ka gaystaan gudaha Itoobiya.
Wasaaradda arrrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sheegtay in la xakameeyay qorshe ballaaran ay Al Shabaab ku doonayeen inay ku qabsadaan dhul badan. Wasaaradda oo soo xiganeysay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend ayaa sheegtay “inay u muuqato in Itoobiyaanka ay si xooggaan uga hortaggeen isla markaana ugu guuleysteen dagaalka.” General Steven Townsend […]
Afhayeenka Madaxtooyadda “Waxaan ka cudur daaranaya in si khaldan la ii fahmay”
Afhayeenka Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdikariim Cali Kaar ayaa cudur daar ka bixiyay hadal uu ka sheegay shir jaraa’id ee uu kaga hadlay kulankii dhexmaray Madaxweyne Xasab Shiikh iyo dhigiisa dalka Masar ee Cabdifitaax Al-siisi. “Waxaan ka cudur daaranayaa in si qaldan la ii fahmay sharraxaaddii aan ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Sisi uu ka sheegay shir jaraa’id […]
Dad ka qaxay dagaalladii ka dhacay deegaanka Aato ee Bakool.
Dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool iyo kuwii todobaadkii hore ka dhacay Yeed ayaa horseeday in dadka shacabka ah ee halkaa ku nool ay u barakacaan deegaanno ay kaga badbaadi karaan colaadda. Meelaha sida weyn loogu barakacay waxaa kamid ah degmada Ceelbarde. Kaysane Abuukar oo ah gudoomiyaha arrimaha bulshada ee Ceelbarde, ayaa […]
Taageerayaasha wadaad reer Ciraaq ah oo gudaha u galay xarunta baarlamaanka dalkaas.
Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Ciraaq Moqtada Al-Sadr ayaa markii labaad gudaha u galay baarlamaanka Ciraaq muddo saddex maalmood ah. Telefishinka ay dowladdu maamusho ee Ciraaq ayaa soo bandhigay mudaaharaadayaasha oo ku soo qulqulaya hoolka iyo waddooyinka ka dib markii kumannaan taageerayaasha wadaad kaas ah oo lulaya calanka Ciraaq ay dibadbax ka dhigeen waddooyinka magaalada […]