27 Mar, 2024
1 min read

Maxay ka wada Hadlen Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada kulan soo dhoweyn ah kula qaatay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).  Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha iyo dhammaan Guddoonka kale ee Golaha, gudagalka waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan hoggaaminta Golaha Shacabka Baarlamaanka  11-aad, isaga oo bogaadiyey Guddoonkii Hore ee Golaha […]

1 min read

Sheekh Aadan Madoobe oo si rasmi ula wareegay xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, kadib markii la soo gabagabeeyay doorashada Guddoonka Golaha. Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamad Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay gudoomiyaha cusub Sheekh Aden Madoobe, Sheekh Aadan Madoobe oo […]

1 min read

Taliyaha Ciidanka xoogga oo maanta gaaray Gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Guuto Odowaa Yuusuf Raage Ayaa Maanta Gaarey Magaalada Xudur Xaruunta Gobalka Bokool. Taliyaha waxaa kusoo dhaweeyay halkaasi taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda gobolka Bakool, waxaana uu sheegay in sababta uu tagay ay hubinta shaqada ciidanka. Taliyaha Odawaa ayaa Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ku amray in ay bilaabaan howlgallo […]

1 min read

Buuq xooggan oo hareeyay Goordhow Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Buuq ayaa hareeyay Xarunta Golaha Shacabka kadib markii Xildhibaanada laga soo doortay Garbahaareey ay gudaha Xarunta Soo galeen. Xildhibaanadaan oo aan heysan kaarka aqoonsiga ayaa dood badan ka dhalatay sida ay gudaha u soo galeen. Waxeyna ku qeylinayaan “ma yeeleyno waa in nala dhaariyaa. Anaga ayaa ah xildhibaanada saxda ah ee Gedo laga soo doortay” […]

1 min read

QM:In ka badan 3,000 Tahriibeyaal ah oo sanadkii hore ku dhintay marinnada badda ee Yurub.

GENEVA:-In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii. Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku […]

1 min read

Sacdiya Yaasiin oo loo doortay guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.

MUQDISHO: —Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya, waana haweeneydii ugu horreysay ee xilkaas qabata. Sacdiya oo heshay 137 cod ayaa wareeggii labaad ee doorashada waxay kaga adkaatay Maxamed Cali Cumar Caananuug oo helay 107 cod. Labada musharaxba waxay ka socdeen dhanka mucaaradka. Doorashadan ayaa […]