2 mins read

Axmed Madoobe “Doorasho shicimeyso inta ay Gedo maqan tahay”

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si faahfaahsan waxa uu kaga hadlay xaalada guud ee dalka iyo kuraasta 16-ka kursi ah ee doorashadoodu taalo magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa si faahfaahsan waxa uu kaga hadlay xaalada guud ee dalka iyo kuraasta 16-ka kursi ah ee doorashadoodu taalo magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkisia dhamaaday ee Farmaajo in qorshahiisa ku aadan kuraasta Gedo ay tahay in la kala qeybiyo, isagoona sheegay in taasi aysan marnaba dhici doonin.

Axmed Madoobe iaagoo la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee lagu doortay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in aanay jirin sabab ku qabsi karta ku gorgortanka 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Gobolka Gedo.

“Kuraas aan la qaban ee ergada la iigu imaanayo ee la ileeyahay aan idiin qaybino adiga iyo Farmaajo ma garan karo macnahaas waxa ay noqoneyso, Xildhibaanka qaado la I leeyahay sidee yeelayaa oo intee geynayaa, waxa aan rabaa in ay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah xitaa halkii kursi haba u tartamaan 10 musharax, kursi Axmed ahaan aan qaadanayo ee aan ku gorgortamayo ee aan dhahaayo Cali Qaado cumarna isii ma jiro, Doorasho furan oo ay goobjoog ka tahay Beesha Caalamka hala qabto. Heshiiskii 17ka September waxa aan ku galay in kahor Doorashada Gobolka Gedo gacanta maamulka lasoo geliyo, Maxamuud Sayid Aadan oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo kuraasta Xildhibaannada qaybiyay xiligii (Embagatti Kenya) yaa ka mudan in looga dambeeyo maamulka kuraasta” ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

 Wuxuu intaasi ku daray madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in wax laga xishoodo ay tahay warqaddii Hay’adda NISA ku shaacisay in la beegsanayo Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Billaahi Caleykum, Ciidan Qaran oo Nabadsugid ah oo amniga mas’uuliyiinta oo dhan saaran tahay in inta warqad soo qaraan oo ay dhahaan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Nin Hebel iyo hebel la yiraahdo ayaa isku qarxinaya, ceebta ka dhacday waxa ay ahayd kuwii ay ku sheegayaan ayaa xitaa yiri qofkaas ma naqaan” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Jubbaland ayaa imaanaya xili wali is faham waa ay ka taagan tahay qabashada doorashada 16-kursi oo taala deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.