21 Apr, 2024
1 min read

Dowaladda Soomaaliya oo ka hadashay Soomaalida uu Mareykanka ku daray liiska argagixisada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay tallaabada ay dowladda Mareykanka cunaqabeteynta ugu soo rogtay shakhsiyaadka dhanka maaliyadda iyo saadka ka taageera kooxda Al Shabab. Laamaha kala duwan ee dhaqaalaha ee Soomaaliya ayaa la faray inay ka fogaadaan la macaamilka iyo wadashaqeynta shakhsiyaadkan dembiileyaasha ah ee ku xusan liiskan cunaqabateynta. Qoraal lasoo dhigay bogga internet-ka ee […]

2 mins read

RASMI: Karim Benzema Oo Ku Guuleystay Abaal-marinta Ballon d’Or.

Karim Benzema ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or kaddib xilli ciyaareed uu wacdaro ka dhigay garoomada oo kooxdiisa Real Madrid u qaaday Champions League, LaLiga, UEFA Super Cup iyo koobab kale oo garab socday, halka dalkiisana uu ka caawiyey UEFA Nations League. Zinedine Zidane ayaa fagaaraha uga yeedhay Benzema oo gacanta ka […]

3 mins read

Mareykanka oo xayiraad ku soo rogay shabakad maaliyadda iyo hubka u qaabilsan Al-Shabaab.

Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in shabakad Al-Shabaab u qaabilsan fududeynta dhaqaalaha iyo hubka oo xayiraado lagu soo rogay. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in shabakaddan ay qaabislan tahay soo iibinta hubka, fududaynta dhaqaalaha, iyo qorista askarta ee Al-Shabaab. Kaaliyaha xoghayaha Maaliyadda Mareykanka ee arrimaha argagaxisada iyo sirdoonka maaliyadda, […]

1 min read

RW Xamse iyo Madaxweyne Cagjar oo ka wada hadlay la dagaalanka Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somaalida,Mustafa Maxamuud Cumar, kaasi oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dowlad Deegaanka ee Magaalaa Jigjiga. Madaxweyne Mustafa ayaa warbixin guud ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa xaaladda deegaanka iyo mashaariicda horumarineed ee Dowlad Deegaanku ka hirgelisay gobollada […]

1 min read

Madaxweynaha Dalka Oo Billad Sharaf Guddoonsiiyay Xulka Qaranka 17Jirrada+SAWIRRO.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabad maamuus ah ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, xulka 17 jirrada ah ee ku guuleystay Koobka Isreebreebka Afrika ee Bariga iyo Bartamaha, ayaa ku ammaanay in ay kor u qaadeen magaca umadda Soomaaliyeed, dhallinyarada dalkana ay u fureen iridaha guusha. Madaxweynaha oo ay garbihiisa taagan yihiin Guddoomiyaha […]

1 min read

Diyaaradaha Drones-ka oo duqeeyay caasimadda Ukraine

Ugu yaraan shan qarax ayaa laga maqlay caasimadda Ukriane ee Kyiv-xilli la taliyaha madaxweynaha dalkaas uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee nooca “kamizake drones” isla markaana uu adeegsanayay Ruushka. “Waxay muujineysaa arrintani sida ay xaaladda uga quusteen” ayuu yiri Andriy Yermak, oo ah la taliyaha madaxweynaha Ukraine. Duqa magaalada […]

1 min read

RW. Soomaaliya oo gaaray Jigjiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxaana halkaaskusoo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mustafe Cumar iyo mas’uuliyiin kale. Lama ogo sababta ka dambeysay booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Jigjiga. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Itoobiya wuxuu halkaas kaga qeybgalay madasha Tana oo […]

1 min read

Ciyaartoyda Soomaaliya oo si diiran loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yartahay 17 sano ayaaa saaka lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho kadib guushii ay dhawaan ka gaareen koobka Cecafa ee bariga iyo bartamaha Afrika. Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa 3-1 uga badiyay xulka South Sudan. Ciyaartii kama dambeysta aheyd waxay ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

1 min read

Shir Muqdisho uga furmay Xubno ka kala socda DFS iyo Dowlad goboleedyada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta furay shir labo maalin soconaya oo u dhaxeeya Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka iyo Dawlad-gobolleedka Dalka. Kulanka oo ah midkii u horreeyay oo Wasiir Biixi uu la yeelanayo wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada Dalka ayaa looga hadlayaa qodobbo […]