1 min read

Midowga Musharixiinta oo ka digey in Ciidanka loo adeegsado Arrimo Siyaasadeed.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha aya looga hadlay Munaasabadda 12-ka April ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ugu horreyn fariin Hambalyo ah loogu diray Ciidanka qoraalka midowga.

Sidoo kale, Qoraalka Midowga Musharixiinta ayaa lahgu caddeeyay in Munaasabadda 12- ka April ay tahay maalin weyn oo loo baahan yahay in ay Ummadda Soomaaliyeed ay u dabaal degaan meelkasta oo ay joogaan.

Qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha aya looga hadlay Munaasabadda 12-ka April ee aas aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ugu horreyn fariin Hambalyo ah loogu diray Ciidanka qoraalka midowga.

War saxaafadeedka kasoo baxay Golaha Midowga oo ka koobanaa labo bog ayaa lagu tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka ay midowga u hayaan qadarin weyn islamarkaana dhismihiisa ay kaalin weyn ku lahaayeen, laakiinse aysan marna aqbali doonin in loo adeegsado siyaasadeed.

Midowga waxay tusaalo u soo qaateen ujeedka hadalkiisa, in Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo uu hore ciidanka Xoogga uu ugu weeraray Madax hore, Siyaasiyiin, Maamullo iyo Golaha intaba.

Warsaxaafadeedka Hoos ka akhriso: