News Block
Fullwidth Featured
Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay in la qabto doorashada Gudoonka labada aqal bishan April 26 iyo 27.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalay kulanka wadajirka ah ee Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada aqal. Xildhibaanada ayaa ansixiyay in la qabta doorashada hoggaanka labada aqal bishan April 26 iyo 27. Sidoo kale xildhibaanada ayaa isku raacay lacagaha isdiwaangelinta ee laga qaadayo […]
Hoobiye ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka oo sababay khasaare.
Ugu yaraan todobo qof oo isugu jira shaqaalaha Barlamaanka iyo askar ayaa ku dhaawacmay hoobiya ku soo dhacay barxadda dhismaha Barlamaanka, xilli ay socotay dooda baarlamaanka. Wararka ayaa sheegaya in ay istaagay doodii Barlamanka, xildhibaannada ayaana bilaabay inay dhismaha isaga baxaan.
Puntland: “Deni madaxweyne ayuu sii ahaan doonaa,haddii uu waayo madaxtinnimada Soomaaliya”.
Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in madaxweynaha Maamulkaas Siciid Cabdillaahi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya. Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo madaxweynaha Puntland. “Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartamayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa […]
Ruushka oo dalkiisa ka mamnuucay Boris Johnson.
Moscow ayaa Sabtida maanta ah ku dhawaaqday in ay dalkeeda ka mamnuucday Ra’iisulwasaaraha Britain Boris Johnson iyo saraakiil sarsare oo dalkaasi u dhashay, tani oo timid ka dib markii London ay cunnaqabateyno ku soo rogtay Russia oo ciidankeedu uu ku duulay Ukraine. Hadal ay faafisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayay ku sheegtay in tallaabadan […]
Qaanuunka Dhaqaalaha kuma jirto, arintaas ma sameesay mise ma kugu Dhacday= Nasashada Jimcaha. Q-300=
Somaliya, Ragga Siyaasiyiinta ah ee is bido awood eyna leheyn, waxaa la yiraa: Kabo ka waaweyn ayuu gashaday.Haweenka Siyaasiyiinta ah ee is bido Awood eyna leheyn, waxaa la yiraa waxa ey gashatay……. ( F.S:1aad ) ( No Comment ) 2.Naag ayaa Ninkeeda ku tiri: Babe, i sii 100 Dollar oo aan Aroos ku aado. waxa […]
Tahriibayaal ka badan 130-Ruux oo laga soo badbaadiyay xeebaha Dalka Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa soo badbaadisay 135 tahriibayaal ah oo doonayay in ay badda uga sii gudbaan Giriiga ka dibna Yurub inteeda kale, taasoo ku qasabtay in ay dib ugu laabtaan dhul badeedka Turkiga ee badda Aegean. Taliska Ilaalada Xeebaha ee Turkiga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay heleen warbixin ku saabsan tahriibayaal […]
Axmed Madoobe oo soo dhaweeyay doorashada loo wareejiyay Ceel-waaq.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo hadalkiisi ahaa inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta […]
Dalal ay Soomaaliya isku fiican yihiin oo wada arrimo xadgudub ku ah dalkeenna (Arag caddayntan).
Muqdisho:– Sawirro laga qaaday dhanka dayax-gacmeedka ama Satellite-ka ayaa muujinaya in illaa 200 oo maraakiib shisheeye ihi ay waqti xaadirkan si sharci darro ah uga kalluumeysanayaan badda Soomaaliya. Warbixintii ugu dambaysey ayaa waxaa ay tilmaamaysaa in Soomaaliya sanadkii sharci darro looga jillaabto ama laga gurto 132,000 oo tan oo kalluun ah. Sidoo kale warbixin hore […]
Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Bay.
Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal culus oo degaanka Awdiinle oo ka tirsan Gobolka Bay ku dhexmaray Ciimada Itoobiya ee katirsan howlgalka ATMIS ee loo aqoon jiray (AMISOM) & Xubno katirsan Al-Shabaab. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal […]
Xildhibaan Beereey oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Jowhar.
JOWHAR:-Xilli Khamiistii shalay la dhaariyay badi xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa waxaa xalay xildhibaan loogu doortay Maxamed Axmed Axmed Beerrey oo ku guulaystay kursiga tirsigiisa yahay HOP024. Tartanka doorashada kursigan oo ahaa mid adag, islamarkaana la isla soo gaaray ilaa xilliga dambe ayaa waxaa ku tartamay […]
