1 min read

Xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay in la qabto doorashada Gudoonka labada aqal bishan April 26 iyo 27.

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalay kulanka wadajirka ah ee Villa Hargeysa ayaa ka hadlay shaqooyinka horyaalla oo ay ugu horreyso doorashada guddoonka Labada aqal.

Xildhibaanada ayaa ansixiyay in la qabta doorashada hoggaanka labada aqal bishan April 26 iyo 27.

Sidoo kale xildhibaanada ayaa isku raacay lacagaha isdiwaangelinta ee laga qaadayo musharaxa madaxweyne, midka gudoonka labada aqal iyo kuxigeenadooda.

Lacagta laga qaadayo musharaxiinta madaxweynaha ayaa lagu sheegay $40,000, lacagta laga qaadayo musharaxiinta guddoomiyaha labada aqal ayaa lagu sheegay $20,000, halka lacagta laga qaadayo musharrixiinta gudoomiye kuxigeennada labada aqal ay tahay $15,000