2 mins read

Qaanuunka Dhaqaalaha kuma jirto, arintaas ma sameesay mise ma kugu Dhacday= Nasashada Jimcaha. Q-300=

  1. Somaliya, Ragga Siyaasiyiinta ah ee is bido awood eyna leheyn, waxaa la yiraa: Kabo ka waaweyn ayuu gashaday.
    Haweenka Siyaasiyiinta ah ee is bido Awood eyna leheyn, waxaa la yiraa waxa ey gashatay……. ( F.S:1aad ) ( No Comment )

2.Naag ayaa Ninkeeda ku tiri: Babe, i sii 100 Dollar oo aan Aroos ku aado. waxa uu ku yiri: Hadda ma heeysto. waxa ey ku tiri: Anigaa heeysto oo is deyminaayo ee Berri ma ii soo gudee?.
(Weli arrintaas ma kugu dhacday ama ma sameeysay. Qaanuunka Dhaqaalaha kuma jirto).

  1. Gaalkacyo Ceelasha Miyiga ku yaal, waxaa Biyaha loo kala hor cabaa sidaa loo kala Xoog badan yahay.
    Markii Biyo galinta lagu sameeynayay Magaaladda Gaalkacyo, ayaa Muriidi ka furtay Dukaan lagu iibiyo Tubooyinka Biyaha. waxa uuna yiri: Tubadaan waxaa la yiraa “Xaniinyahaaga Fuul”. Biyaha waxa ey ka soo xoogtaa Tubooyinka kale. Dukaankii Saf ayaa loo galay. ( F.S: 2aad)
    (Reer Gaalkacyo, Nin dhaqankooda yaqaan ayaa, Baasadooda Basar uga qaadan karo ee Xoog haku Dayin).
  2. Farax Calool, oo ahaa Nin leh Calool aad iyo aad u weyn oo Macawis wato ayaa Macawistii Gadaal ka jeexantay. Ciyaal wadada maraaya ayaa ku yiri: Adeer Macawistaadu Gadaal ayey ka jeexan tahay. Farax ayaa ku yiri: Maxaad uga jeedeen?. Ciyaalkii ayaa ku yiri: Adeer Farax Calooloow, Macawistu meesha Gadaalo oo ey ka jeexan tahay, waxaa ka muuqdo Cowraddaada. waxaa uu yiri: Maandoow Muddo dheer maba arag ee igu Salaan.( F.S: 3aad)
    (Masuuliyiinta Qaar ma arkaan khaladkooda, marka loo sheegana waxay ku leeyihiin,maba ogi khaldkeyga ee igu Amaan )
  3. Nin Reer Baadiyo ah, ayey Xaaskiisa is khilaafeen, waxaa lagu yiri: Maxaad isku khilaafteen. waxa uu yiri: idiinkagama sheekey Karo wax sharafteyda ku saabsan.
    Muddo kadib ayey Xaaskii kala taheen. waxa la weeydiiyay maxaad ku kala tagteen Xaaskaagii. waxa uu yiri: Qof kale Sharaftiisa idiinkagama sheekey karo.
    (Ragga Reer Magaalkuna Adiga oo aan weydiin ayuu kaaga sheekeynayaa, khilaafka isaga iyo xaaskiisa, Billaaw ilaa dhamaad. war wax isku fala )
  4. Qur’aanka waxaa loo soo dhiibay Malakul Jibriil, waxa uuna noqday midka Malaa’ugta ugu Fadliga badan. waxa uu soo gaarsiiyay Nabi Muxamed CSW waxa uuna noqday Sayidal Khalqiga. waxa uu u soo Gudbiyay Ummatul Muxamed, waxa eyna noqdeen Ummadaha tan ugu khayrka badan. Qur’aanku waxa uu soo dagay Bisha Ramadaan, waxa ey noqotay Bisha ugu khayrka badan Bilaha. waxa uu soo dagay Habeenka “Leylatul Qadar”, waxa uu noqday Habeenka ka khayr Badan Kun Bilood.
    ka waran haddii Qur’aanku Qalbigaaga Dago, waxaad noqonee mid khayr Badan ( F.S: 4aad )
    ( Fadlan Akhri mar kasta inta aad awoodo, Hal aayadba ha noqotee)
    Qore: Yahya Amir