July 13, 2022
Maxaa ka jira in safar qarsoodi ah uu Farmaajo ku tagay dalka Israa’iil?.
Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu. Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil […]
Maraykanka iyo maamulka Jubbaland oo ka hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo ay kamid ahayeen la taliye Sare ee arimaha bini’adantinimada Kathrin Lauer oo kasocotay USAID Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee AFRICOM. Madaxweynaha iyo Masuuliyiintan ka socotay Dowlada Maraykanka ayaa ka wada […]
Wada Hadalo u bilowday Xukuumadda Iyo Mucaaridka Somaliland.
Waxaa maanta si rasmi ah qasriga madaxtooyada Somaliland uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga waalidiinta ciidanka tababarka ugu maqan Ereteriya
MUQDISHU – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddida waalidiinta ciidanka Soomaaliya ee tababarka ugu maqan dalka Ereteriya, iyada oo madaxweynuhu uu booqasho ugu tegey ciidankaas intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya. Madaxweyne Xasan ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidankaasi, bad-qabkooda nololeed iyo […]
Muxuu ahaa suunka la xadey ee ay ku daba jiraan booliiska K/Afrika?
Booliiska dalka Koonfur Afrika, ayaa ku raad joogga baadigoobka dad loogga shakisan yahay iney xadeen Suunka horyaalnimada adduunka ee Feerka. Suunkan ayaa wuxuu ugu deeqay ninkii kal hore ku guuleystay horyaalka feerka adduunka ee Mareykanka ahaa ee Ray Leonard, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela. Suunka horyaalnimada adduunka ee Feerka, oo qiimihiisu dhan yahay […]
Dowladda Itoobiya oo xabsiga dhigtay madaxii hay’adda gargaarka dalkaasi.
Booliiska dalka Itoobiya ayaa sheegay in madaxii hay’adda gargaarka ee dowladda dalkaasi la xiray kadib markii lagu eedeeyay musuqmaasuq. Mitiku Kassa ayaa lagu eedeeyay in uu hay’ad bini’aadantinimo kala shaqeeyay iibinta raashinka gargaarka ah iyo dharka loo qoondeeyay dadka barakacayaasha ah si ay hanti ugu iibsadaan. Wali si cad ugama aanu jawaabin eedaymahaas. Mr Mitiku […]
Magaalada Muqdisho oo ay dad badani u soo barakacayaan.
Waxa sii kordhaya tirada dadka ka cararaya deegaannada ay sida ba’an ay u saameysay abaarta ku dhufutay wadanka Soomaaliya. Boqollaal qoys oo cusub ayaa ku biiraya xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaalla magaalooyinka waa weyn. Magaalooyinka ay dadkaasi ku soo qulqulayaan waxaa kamid ah magaalada Muqdisho. Xeryaha ku yaalla magaaladani, ayaa markii horaba […]
Isbaddalka caawa laga filan karo Dayaxa!!!.
Khubarada ku xeel dheer cilmiga hawada iyo meereyaasha ayaa sheegay in caawa oo Arbaco ah isbaddal laga arki doono dayaxa marka uu buuxsamo. Haddii aad eegto cirka xilliga fiidkii ah waxaad fursad u heli doontaa in aad aragto dayaxa oo noqday cabirkii ugu waynaa uguna iftiinka badnaa ee guud ahaan sanadka. Dyaxan buuxa ee cabirka […]
Wararka suuqa iyo kala iibsiga ciyaartooyda ee kooxaha Yurub.
Weeraryahanka kooxda Leeds United ee u dhashey dalka Brazil, oo la yiraahdo Raphinha, 25 jirna ah, ayaa la filayaa inuu u safro dhanka iyo Barcelona, si uu u dhameystiro ku biirista kooxdaasi saldhigeedu yahay garoonka Nou Camp. Leeds ayaa aqbashay heshiiska lagu kala wareejinayo ciyaaryahan Winger Raphinha. Kolkii hore wuxuu ahaa 49 milyan oo gini, […]
Dad fara badan oo lagu laayey dalka Koonfurta Sudan.
Dowladda Koonfurta Sudan, ayaa sheegtay in ka badan 230 qof in lagu dilay labaddii toddobaad ee lasoo dhaafay isku dhacyo qawmiyadeed, oo ka dhacey Koonfurta dalkani. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhashay muran ku saabsan Lo iyo dhul daaqsimeed, iyadoo uu ka dhacay gobolka bariga Equatorial horraantii bishan. Dilka ayaa ka dhacey waqooyiga ismaamulka Kapoeta, […]