2 mins read

Isbaddalka caawa laga filan karo Dayaxa!!!.

Khubarada ku xeel dheer cilmiga hawada iyo meereyaasha ayaa sheegay in caawa oo Arbaco ah isbaddal laga arki doono dayaxa marka uu buuxsamo.

Haddii aad eegto cirka xilliga fiidkii ah waxaad fursad u heli doontaa in aad aragto dayaxa oo noqday cabirkii ugu waynaa uguna iftiinka badnaa ee guud ahaan sanadka.

Dyaxan buuxa ee cabirka wayn waxaa loo yaqaannaa “dayax-waynaad” oo afka qalaad lagu dhoho “supermoon”.

Sababtu waa uu dayaxu qaabkaas noqdo marka meeraha uu ku wareego uu meesha ugu sokeyso ka imaado meeraha dhulka.

Dadka dhulka ka eegaya ayaa sidaas ku dareemaya inuu sidii hore ka wayn yahay kana iftiin badan yahay.

Dadka Soomaaliya jooga ayaa dayaxa muuqaalkaas ku arkaya laga billaabo maqribbadii, waqtiga uu gabbalku dhaco.

Muxuu yahay dayax-waynaad?

Dayaxa cusub ama buuxa waxa uu imaadaa marka uu Dayaxu 90% ku soo dhawaado meeraha dhulka.

Dayax

Wareegga dayaxa waxa uu siyaabo kala duwan u wajahaa meeraha dhulka, taasoo micnaheedu yahay in aan mar walba dayaxa ku arkayno cabir ka duwan kii hore.

Tania de Sales Marques, oo ah cirbixiyeen ka howlgasha Royal Observatory Greenwich, ayaa sheegtay in Dayaxa buuxa ee caawa oo kale la arki doono uu yahay mid 14% ka wayn islamarkaana 30% ka iftiin badan Dayaxa marka uudhulka ka jiro dhanka kale – oo ah marka uu meesha ugu fog naga joogo Dayaxa.

Waxa ay intaas ku dartay in Dayaxu uu cabirkiisa heerka ugu wayn gaarayo daqiiqadaha ku xiga xilliga uu soo baxo.

Dayax

Hay’adda Cilmi-baarista hawada sare ee Mareykanka, oo magaceeda loo soo gaabiyo NASA, ayaa sheegtay in Dayaxa Buuxa ee bishan July loo aqoonsaday magaca “Buck Moon”, oo ah mid loogu magac daray xayawaanka geesaha dhaadheer ee ay caanka ku yihiin dadka asal ahaan kasoo jeeda waqooyiga-bari ee Mareykanka.

Sababta magacaas loogu bixiyay waa in uu waqtigaas yahay xilliga ay geeso cusub kasoo baxaan deerooyinka geesaha dhaadheer.

Reer Yurub ayaa ku magacaaba “Hay Moon” maadaama waqtigaas sanad kasta la duubo cawska qallalay.

Nasa ayaa sheegtay in bishan July ay sidoo kale dadka Hinduuga ah u tahay “Dayaxa Buuxa ee Guru”.

Magaca “supermoon” waxaa sanadkii 1979-kii bixiyay cirbixiyeenkii la oran jiray Richard Nolle.