1 min read

Muxuu ahaa suunka la xadey ee ay ku daba jiraan booliiska K/Afrika?

Booliiska dalka Koonfur Afrika, ayaa ku raad joogga baadigoobka dad loogga shakisan yahay iney xadeen Suunka horyaalnimada adduunka ee Feerka.

Suunkan ayaa wuxuu ugu deeqay ninkii kal hore ku guuleystay horyaalka feerka adduunka ee Mareykanka ahaa ee Ray Leonard, Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela.

Suunka horyaalnimada adduunka ee Feerka, oo qiimihiisu dhan yahay US $3,000, ayaa lagu soo bandhigay madxafka Mandela House ee ku yaalla Soweto.

Afhayeenka booliiska Col. Dimakatso Sello, ayaa u sheegay BBC-da in kiis xatooyo ah uu furey booliiska 2-dii bishan Luulyo.

Waxaa la sheegay in shaqaalihii looggu tala galey ilaalinta shaqada madxafka caanka ah ee ku yaalla wadada Vilakazi in xili dambe ay ku baraarugeen xatooyada.

Halkani ayaa waxaa kunoolaa halgamaagii la dirirey midab takoorka Mandela intii u dhaxeysay sanadihii 1946-dii illaa iyo 1962-dii, iyagoo xaqiiqsadey shaqaalaha in qufuladii kuxirnaa madxafka in wax aan caadi aheyn lagu sameeyey.

Baaritaanka ayaa waxaa lagu ogaaday in suunka la qaatay. Ma cadda in wax kale ay ka maqan yihiin madxafka iyo in kale.