1 min read

Dad fara badan oo lagu laayey dalka Koonfurta Sudan.

Dowladda Koonfurta Sudan, ayaa sheegtay in ka badan 230 qof in lagu dilay labaddii toddobaad ee lasoo dhaafay isku dhacyo qawmiyadeed, oo ka dhacey Koonfurta dalkani.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dhashay muran ku saabsan Lo iyo dhul daaqsimeed, iyadoo uu ka dhacay gobolka bariga Equatorial horraantii bishan.

Dilka ayaa ka dhacey waqooyiga ismaamulka Kapoeta, halkaasoo beelo wada daga ay ku dagaalameen, kadib markii xoolo ka dhaceen mid kamid ah tuulooyinka. Dadka la dilay, ayaa waxaa ku jiray caaqil deegaanka ah oo la toogtay.

Barasaabka gobolka, ayaa cambaareeyey falkaasi dilka ah, waxaana uu ka dalbaday dowladda iney si degdeg ah usoo dirto ciidamada ammaanka, si ay gacan uga geystaan soo celinta xasiloonida.

Dhibaatadani ayaa kusoo beegantay, iyadoo Koonfurta Sudan ay u dabaal dageyso 11 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dalku uu halis ugu jiro inuu dib u noqdo dagaal sokeeye, oo ka dhalan kara colaadaha haatan aloosan, ee sababay in malaayiin qof ay ka cararaan guryahoodda.