Nasashada Jimcaha. Q- 405=Waa maxaay halka Riyo ee Siyaasiyiinta Somlida u rumoowdo?=
3 mins read

Nasashada Jimcaha. Q- 405=Waa maxaay halka Riyo ee Siyaasiyiinta Somlida u rumoowdo?=

1. Tuug ayaa Nin ku qabtay Bistolad kuna yiri: Naftaadad ha haligin ee i sii “Xoolahaaga” .

Ninkii ayaa ku qayliyay Ha i dilin waxaan ahay “Nin Siyaasi” ahe.
Tuugii ayaa yiri: i sii ” Xoolaheeyga” (F.S:1aad)

( Haddiiba aad siyaasi tahay Hantida aad heeysato malihid ee Dadkaa iska leh)

2. Islaan waayeel ah ayaa la joogtay Caruurta ay Ayeeyada u tahay oo Daawanayay Filim Hindi ah. Filimkii ayaa ku dhamaaday Atoorihii oo Geeriyooday. Habeenkii Labaad ayeey Aragtay mar kale Atoorihii oo Dagaalamayo Haddana waa geeriyooday. Habeenkii Saddaxaad ayey Aragtay Atoorinii oo Guuleeystay iyo Ciyaalkii ay ayeeyda u aheyd oo u sacbinayo.

Habeenkii Xigay waxaa la Arkay islaantii oo Salaad Makhrib Tukatay, kuna duceysanee Alloow, Cumrigeena Cumri Atoore ka dhig. ( F.S:2aad)

(………………………….)

3. Oday Rooble Riyaal oo 80 Jir ah ayaa Sucuudiga oo uu muddo dheer ku maqnaay ka yimid. Qaraabadii ayaa Garoob 40 jir ah u guurisay.
Oday Rooble si fiican ayuu u jimceystay, waxa uu islahaa Jimcaha kale ku sug.
Habeenkii Sabtiga ayeey Xaaskii cusbeyd ku tiri: Babe, Xabiibii Rooble waan soo Qubeystay. Waxa uu ku yiri: Qaboow ayaad ka helee. Waxa ay ku tiri: waa isa soo Barafuumiyay. Waxa uu ku yiri: Caraf ayaad ka helee. Waxa ay ku tiri: Barkinta ayaan kula barkanahay. Waxa uu ku yiri: waa na wada deeqdaa. Waxa ay ku tiri: Lugta ayaan Korka haa saartay. Markaa ayuu yiri : Walee Sariirtaanu Caawa Rag waa Rabtaa, Laakin Rooble Riyaal ma ahan. ( F.S:3aad).

( Maamul Gobaleed aan arkay walee Hogaamiye Fiican waa Rabyaa. Laakin, Hebel ……….. Maahan. Waa Maamul Gobalkee?)

4. Wiil ayaa Saaxiibadii ku yiri: Saaxiibayaaloow, Horta Riyadu sideey u shaqeeysaa. Haddii aan Caawa ku riyoodo Aniga oo Gaari helay, Subixii heli maayo Gaari. Haddii aan ku Riyoodoo Aniga oo Lacag helayo, Subixii Heli maayo. Laakin haddan Habeenkii ku riyoodo Aniga oo Kaadinayo. Riyadaasu waa ii Rumoowdaa. ( F.S:4aad)

( Waa maxaay halka Riyo ee Siyaasiyiinta Somlida u rumoowdo?)

5. Nin ayaa yiri: Waxaan arkay Gabar Saaxiibteey aheyd oo aan Guur ku heshiinay oo wiil la socto, wiilkii ayaan aqoonsaday, Aniga oo is leh inteey isku barteen, ayeey intii aanan su’aalin igu tiri: iska baro Wiilkaani waa ina Adeerkeey. Wiilkii ayaa yiri: war Ninkaan Beenta ka dhaaf ee u sheeg in aan saaxiibo nahay.
Wiilku ma ogo in ay saaxiibteey tahay. Iyaduna ma ogo in uu yahay walaaleey ila dhashay.Weli waxa ay i leedahay waa ina Adeerkeey. (F.S:5aad)

( Haweenka Gacan ayaan u taagay)

6. Aabe ayaa Wiilkiisii ku yiri: Wiilkeygiyow, hadaan ku iraa Dugsiga aad, waxaad igu tiraa Haye, mana aadid haddaan ku iraa Hooyo ha dhibin waxaad igu tiraa Haye, waadna dhibtaa. Wax kasta oo aan kugu iraa sameey waxaad igu tiraa Aabe waa ballan, mana sameysid. Maxaad u dan leedahay Wiil keeygiiyoow?
Wiilkii ayaa yiri: Aabe waxaan rabaa in aan Mustaqbalka Siyaasi noqdo. (F.S:6aad)

( Siyaasiyiinta Somalida ee aan ku wareernay Ballamadooda, ameey Waalidkood Ballamada uga bixi jireen)

Qore: Yahya Amir