1 min read

Maxaa ka jira in safar qarsoodi ah uu Farmaajo ku tagay dalka Israa’iil?.

Wargayska “Times of Israel” ayaa daabacay warbixin uu ka qoray xogta ku saabsan kulan qarsoodi ah oo uu sheegay in uu dhex maray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Benjamin Netanyahu.

Kulanka labada hoggaamiye oo markaas xilalka waddamooda hayay ayaa dhacay horaantii sanadkii 2020-kii, sida uu wargayskan Israa’iil laga leeyahay kasoo xigtay diblomaasi hore oo arrintaas ka warhayay.

Sida lagu xisay warbixintan, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bishii February ee sanadkii 2020-kii u duulay magaalada Qudus, isagoo uu wehlinayay Balal Cismaan, oo ahaa wakiilkiisa arrimaha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Farmaajo iyo Netanyahu ayay suuragal tahay in ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan abuuriska xiriir u dhaxeeya labada waddan, sida uu Wargaysku xusay.

Hase ahaatee, dowladda Soomaaliya iyo dhiggeeda Israa’iil waligood ma shaacin kulan madaxdooda dhex maray iyo inay xiriirkooda dhisayaan.

Balse dadaalladaas ma aysan taageereynin dowladdii Mareykanka ee xilligaas uu madaxweynaha ka ahaa Donald Trump , oo aan rabin in uu Soomaaliya kusoo daro arrimaha gobola,” ayuu yiri diblomaasiga uu soo xigtay wargayska.