1 min read

Magaalada Muqdisho oo ay dad badani u soo barakacayaan.

Waxa sii kordhaya tirada dadka ka cararaya deegaannada ay sida ba’an ay u saameysay abaarta ku dhufutay wadanka Soomaaliya.

Boqollaal qoys oo cusub ayaa ku biiraya xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaalla magaalooyinka waa weyn.

Magaalooyinka ay dadkaasi ku soo qulqulayaan waxaa kamid ah magaalada Muqdisho.

Xeryaha ku yaalla magaaladani, ayaa markii horaba waxey hoy u ahaayeen boqollaal kun oo qof.

Marar kala duwan ayaa dad kasoo qaxay colaadaha iyo abaarraha is xigxigay ee ku dhuftay gobollada Koonfurta Soomaaliya.