1 min read

Wada Hadalo u bilowday Xukuumadda Iyo Mucaaridka Somaliland.

Waxaa maanta si rasmi ah qasriga madaxtooyada Somaliland uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Qaranka, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.