1 min read

Madaxweynaha Kenya oo xaqiijiyay in Taliyahii ciidamada ee dalkaas uu ku dhintay shil diyaaradeed.

Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto oo goordhow qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka ayaa xaqiijiyay geerida taliyaha ciidamada qalabka sida janaraal Francis Ogollaoo ku dhintay shil diyaaraddeed oo maanta galinkii dambe ka dhacay Gobolka Rift Valley.

Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in sagaal qof oo kale oo diyaaradda la socday ay ku dhinteen shilka, labo kalena ay badbaadeen.

Diyaarad nooca qumaatiga oo kacda oo ay la socdeen taliyaha ciidamada qalabka sidajanaraal Francis Ogollaiyo xubno kale ayaa burburtay wax yar uun kaddib markii ay kacday.

Madaxweynaha Kenya ayaa ku dhawaaqay sedex maalmood oo baroor diiq ah, iyadoo calanka wadanka hoos loo dhigay.