Madaxweynaha oo kulan dhiiragelin ah Madaxtooyada kula yeeshay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ka galay Orodka 5000 mitir ee Afrika.
1 min read

Madaxweynaha oo kulan dhiiragelin ah Madaxtooyada kula yeeshay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ka galay Orodka 5000 mitir ee Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Hassan Sheekh Mohamud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jama Mohamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo  tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.