1 min read

Maraykanka iyo maamulka Jubbaland oo ka hadlay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Kismaayo kula kulmay wafdi uu hogaaminayay Safiirka dawladda Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre oo ay kamid ahayeen la taliye Sare ee arimaha bini’adantinimada Kathrin Lauer oo kasocotay USAID Soomaaliya iyo sarakiil ka socotay howlgalka Maraykanka ee AFRICOM.

Madaxweynaha iyo Masuuliyiintan ka socotay Dowlada Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha ammaanka, dagaalka Al-shabaab a iyo tageerada maraykanka ee dhinacyada hormarka iyo dib u dhiska iyo arimaha gobolka geeska afrika.

Sidoo kale waxaa kulanka lagaga hadlay shaqo abuurka dhalinyarada kasoo noqonaysa xeryaha qoxootiga iyo kuwa gudaha ku barakacay.