1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga waalidiinta ciidanka tababarka ugu maqan Ereteriya

MUQDISHU – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan xog-warran ah la qaatay guddida waalidiinta ciidanka Soomaaliya ee tababarka ugu maqan dalka Ereteriya, iyada oo madaxweynuhu uu booqasho ugu tegey ciidankaas intii uu ku sugnaa dalka Ereteriya.

Y

Madaxweyne Xasan ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin ciidankaasi, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu xalliyey caqabado ka taagnaa in askartu ay fursad u helaan inay waalidiintooda la soo xidhiidhaan.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan.”.

Dhinaca kale, waalidiinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Ereteriya ee la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.