17 May, 2024
1 min read

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xiliga la qaadeyso Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Sare..

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu yiri” Haddaba waxaa la farayaa Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo Maamulayaasha in ay u diyaar garoobaan Imtixaanka Maalmaha yar ee ka […]

1 min read

Dowladaha Soomaaliya & Indonesia oo kawada hadlay fududaynta dal ku galka labada da.l

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin. Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, […]

1 min read

Guddoomiye Madaale oo booqday xarunta gabdhaha agoonta ee degmada Boondheere +Sawirro.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta gabdhaha agoonta ee degmada Boondheere, si uu ugu kuuragalo adeegyada kala duwan oo ay xaruntaasi siiso gabadha Agoonta ah iyo daryeelkooda. Duqa Muqdisho, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay xaruntan ka kooban tahay isagoo la kulmay ardayda Agoonta ah […]

1 min read

Deg Deg : Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xabsiga loo taxaabay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa waxaa xabsiga u taxaabay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee maxkamadda sare ee caasimadda Islamabad. Mr Khan ayaa ka soo hormuuqday maxkamada isagoo lagu eedeyay musuq maasuq, halka uu ku dooday in eedeyntaasi ay salka ku heyso arrimo siyaasadeed. Wararka […]

1 min read

Muxuu ahaan lahaa sheyga ugu horreeya ee aad la cararto haddii dalka aad joogto uu dagaal ka dhici lahaa?

Dharka, dabcan, dukumiintiyada muhiimka ah iyo laga yaabee sawirro, ama xusuus kale oo yar oo dareen leh, ayaa ku jiri kara liiska dad badan. Hase yeeshee wiilkaan South Sudanese-ka ah ee lagu magacaabo Joseph Malith Matiang waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa gitaarkiisa guduudan ee dhalaalaya. 22-jirkan ayaa dhawaan ka cararay rabshadaha ka socda caasimadda Suudaan […]

1 min read

Webiga Shabelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne.

Webiga Shabelle, ayaa xalay ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan. Wabiga oo mara bartamaha magaalada ayaa ku fatahay Xaafadaha ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana dadka degan xaafada ay fatahaaddu sameeysay bilaabeen barakac, si ay ugu badbaadsadaan Naftooda iyo hantidooda. Wali la ma sheegin Khasaaraha ka dhashay fatahaadan uu xalay […]

1 min read

Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, marwo Khadiijo Maxamed Makhsoumi, ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Masar marwo Yasmine Fouad. Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo adduunka khatar ba’an ku haya, saameyn na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada. Intii kulanku socday […]

1 min read

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif. Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, iyo Ku Xigeennadiisa, Maamulada degmooyinka Beledweyne, […]

3 mins read

Dhaqaalaha Maraykanka kaga baxay Soomaaliya oo la shaaciyey.

Machadka daraasaadka caalamiga ah iyo arrimaha bulshada ee jaamacadda Brown ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray warbixin ku aaddan dhaqaalaha Maraykanka kaga baxay la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007. Sida Machadka lagasoo xigtay Maraykanka ayaa sheegay in ay kaga baxday arrimaha la dagaalanka aragagixisada ee Soomaaliya dhaqaale gaaraya $2.5 bilyan oo Doolar […]