1 min read

Soomaaliya iyo Masar oo iska kaashanaya sidii wax looga qaban lahaa isbeddelka cimillada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, marwo Khadiijo Maxamed Makhsoumi, ayaa kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Masar marwo Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo adduunka khatar ba’an ku haya, saameyn na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.