1 min read

Dowladaha Soomaaliya & Indonesia oo kawada hadlay fududaynta dal ku galka labada da.l

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Maxamad Hery Saripudin.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Indonesia ayaa intii uu kulanku socday isla soo qaaday xiriirka qotoda dheer ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa, waxayna si gaar ah u dul istaageen muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo iskaashi mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka iyo bulshada ah oo dhex mara labada waddan.