1 min read

Webiga Shabelle oo ku fatahay qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne.

Webiga Shabelle, ayaa xalay ku fatahay xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Wabiga oo mara bartamaha magaalada ayaa ku fatahay Xaafadaha ku dhow Jiinka Wabiga, waxaana dadka degan xaafada ay fatahaaddu sameeysay bilaabeen barakac, si ay ugu badbaadsadaan Naftooda iyo hantidooda.

Wali la ma sheegin Khasaaraha ka dhashay fatahaadan uu xalay Wabiga Shabeelle ka sameeyay Xaafado kamid ah magaalada Baladweyne, balse wararka ayaa sheegaya in Biyaha ay Xowli ku socdaan lagana yaaba in ay gaaraan xaafada horleh.