3 mins read

Dhaqaalaha Maraykanka kaga baxay Soomaaliya oo la shaaciyey.

Machadka daraasaadka caalamiga ah iyo arrimaha bulshada ee jaamacadda Brown ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray warbixin ku aaddan dhaqaalaha Maraykanka kaga baxay la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007.

Sida Machadka lagasoo xigtay Maraykanka ayaa sheegay in ay kaga baxday arrimaha la dagaalanka aragagixisada ee Soomaaliya dhaqaale gaaraya $2.5 bilyan oo Doolar tan iyo sannadkii 2007, markaas oo ciidamadii ugu horeeyay ee Maraykanku gaareen Soomaliya si ay ula dagaalamaan waxa ay ugu yeeraan argagixisada caalamiga ah, inta ugu badan dhaqaalahan ayaa ku baxay taakuleynta dawladda Soomaaliya iyo ciidamada midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ee hadda loo yaqaan ATMIS horena loo odhan jiray AMISOM iyo sidoo kale ciidamada dawladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in lacagta kor ku xusan aanay ku jirin dhaqaalaha kaga baxa Maraykanka isla Soomaaliya sida ciidamadiisa Soomaaliya ku sugan iyo arrimaha sirdoonka, sababtoo ah Maraykanku ma soo bandhigo xogta ku saabsan labadan arrimood ee aan xusnay, sidaa darteedna waxaa adkaata in la garwaaqsado ama la fahmo hawlgallada noocan ah.

Sida uu ku xusan daraasadda uu machadku sameeyay, waxyaabaha la ogaaday ayaa ka mid ah, in la dagaalanka milteri ee ‘argagixisada’, ay “sahlayso in dhaqaalaha laga weeciyo gaarista xal aan dagaal ahayn”.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in hadafkeeda Soomaaliya uu yahay in la ciribtiro Al-Shabaab iyo horumarinta nabadda iyo dib u heshiisiin. Laakiin sida uu machadku sheegay siyaasadaha Maraykanka ayaa leh saameyn lid ku ah arrimahaas.

“Mashruucu wuxuu muujinayaa sida dadaallada la dagaalanka argagixisanimada ee Mareykanka ee Soomaaliya aysan kaliya wax uga geysan colaadaha, balse sidoo kale ay gacan uga gaystaan in uu dagaalku uu sii socdo.” ayaa lagu yiri war bixinta oo lasoo koobay.

Dhawaan ayey ahayd markii Xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo lagu magacaabo Matt Gaetz uu muuqaal toos ahaa oo uu markii dambe soo dhigay Baraha Bulshada ku sheegay inuu qorsheynayo mooshin uu ku doonayo in ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ku sugan dib loogusoo celiyo dalkooda.

Xigashada Sawirka,

Getty Images

“Waxaan doonayaa in ciidamadeenna Soomaaliya jooga gurigooda lagu soo celiyo” ayuu yiri Matt Gaetz.

Joogitaanka militeriga Mareykanka ee Soomaaliya ayuu Matt ku tilmaamay mid aanay caddeyn faa’iidada laga helayo isla markaana luminaya tamarta iyo dadaalka ciidamada Maraykanka iyo muwaadiniintaba.

Isagoo taas sii sharraxaya ayuu yiri: “Sababtoo ah natiijada la filayo ma cadda, waxaana ku lumaya dadaal.”

Inkasta oo matt uu ku guuleystay in mooshinka cod toos ah loo qaado haddana codkii ayuu ku guul darreystay mooshinkaas, iyadoo si aqlabiyad ah ay xildhibaannada aqalka kongresku ku diideen in ciidamada Maraykanka laga soo saaro Soomaaliya.

Inta ay joogeen ciidamada Maraykanku Soomaaliya waxay Al-Shabaab u geysteen duqeymo badan, oo sare loo sii qaaday sannadihii ugu dambeeyay, balse duqeymahan qaarkood ayuu khasaare ka soo gaaraa dadka rayidka ah;

Warbixin uu 2022-kii soo saaray ururka dabagalka wax yeellada duqeymaha cirka ee dadka rayidka ah – oo la socda isla markaana baara dhibaatooyinka shacabka loogu geysto weerrarada dhanka cirka ee ka dhaca waddamada dagaalladu ka socdaan oo ay Soomaaliya ku jirto – ayaa sheegay in tan iyo 2007 markii ay ciidamada Maraykanku tageen Soomaaliya ay duqeymaha ku dileen 73 illaa 153 qof oo 20 illaa 23 ka mid ah ay ahaayeen caruur.