Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Beledweyne.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray Magaalada Beledweyne ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Garoon diyaaradaha ee Ugaas Khaliif.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ka koobnaa Wasiiro iyo Masuuliyiin kale waxaa garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, iyo Ku Xigeennadiisa, Maamulada degmooyinka Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan, Saraakiisha Hay’adaha amniga, Saraakiisha Ciidamada Hiilwalaal, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Masuuliyiinta iyo bulshadii kusoo dhoweeysay Magaalada Beledweyne waxa uuna ka mahadceliyay guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro Al-Shabaab, isagoo adkeeyay in la dardargalin doono wajiga 2aad ee Howlgallada.