1 min read

Guddoomiye Madaale oo booqday xarunta gabdhaha agoonta ee degmada Boondheere +Sawirro.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa booqday xarunta gabdhaha agoonta ee degmada Boondheere, si uu ugu kuuragalo adeegyada kala duwan oo ay xaruntaasi siiso gabadha Agoonta ah iyo daryeelkooda.

Duqa Muqdisho, ayaa mid mid u kormeeray qeybaha ay xaruntan ka kooban tahay isagoo la kulmay ardayda Agoonta ah oo xiligaasi kujiray xiisadahooda waxbarasho, waxa uuna ku dhiiragaliyay in ay ku da’daalan waxbarashada si ay u noqdaan kuwa waxtara mustaqbal kooda iyo dalkooda.

Nuurto Maxamed Cadow, oo ah maamulaha xarunta gabadha Agoonta Boondheere ayaa warbixin kooban siisay guddoomiyaha gobolka Banaadir, taas oo la xariirtay xaalada caruurta agoonta ah, daryeekooda iyo baahiyaha taagan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa sidoo kale booqday xarunta Maama Ugaaso ee Degmada Wadajir oo ah goob lagu daryeelo caruurta ah Darbijiifta.

Guddoomiye Madaale, ayaa ku bogaadiyay Siraad Maxamed Nuur oo ah milkiilaha xarunta maama Ugaaso sida isxilqaanka leh oo ay ugu istaagtay daryeelka carruurta Soomaaliyeed ee dayacan, isagoo balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu si gaar ah uga warqabi doono goobaha lagu daryeelo carruurta Soomaaliyeed.