1 min read

Muxuu ahaan lahaa sheyga ugu horreeya ee aad la cararto haddii dalka aad joogto uu dagaal ka dhici lahaa?

Dharka, dabcan, dukumiintiyada muhiimka ah iyo laga yaabee sawirro, ama xusuus kale oo yar oo dareen leh, ayaa ku jiri kara liiska dad badan.

Hase yeeshee wiilkaan South Sudanese-ka ah ee lagu magacaabo Joseph Malith Matiang waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa gitaarkiisa guduudan ee dhalaalaya.

22-jirkan ayaa dhawaan ka cararay rabshadaha ka socda caasimadda Suudaan ee Khartoum, si uu dalkiisa iyo qoyskiisa ugu laabto toban sano kaddib.

Hadda waxa uu ku sugan yahay xero ku meel gaar ah oo ku taalla magaalada Renk ee Koonfurta Suudaan, oo 45km u jirta soohdinta.

Laakin muusikiiste iyo xubin kooxeedka Matiang waxay ahayd mid wax ku ool ah marka loo eego dareenka daqiiqadaha badan ka hor inta aysan ugu dambeyntii ka tagin gurigooda.

“Waan soo qaatay sababtoo ah aad ayuu iigu dhawaa markii aan baxayay. Waxa aan ka tagay kiiboodhka sababtoo ah aad buu u cuslaa,” ayuu yidhi.

Waxaa la yaab leh in Matiang, oo heesaa ah, uusan isagu garaaci karin gitaarka, balse waxa uu ku iibsaday 25,000 Pound oo lacagta Suudaan ah taasoo u dhiganta,($41; £33) si uu u maalgeliyo kooxdiisii ​​Kuenyipuoua, oo macneheedu yahay “in aad qalbigaaga ka fikirto”.

Waa koox ka kooban 37 fannaaniin ah, gitaar-yaqaanno, ciyaar-yaqaanno iyo durbaannada.

Dhammaantood waa rag dhallinyaro ah oo sida Matiang u qaxay waqooyiga ka dib markii ay dagaallo sokeeye ka qarxeen Koonfurta Suudaan sannadkii 2013 iyo mar kale 2016kii.

Inta badan kooxdan ayaa hadda waxaa kala saaray iskahorimaadka Suudaan, 7 kaliya oo ay og yihiin ayaa dib ugu laabtay Koonfurta Suudaan.

Safarka Khartoum ilaa Renk oo inta badan qaata lix saacadood oo waddo laami ah ayaa ku qaadatay dhowr maalmood Matiang iyo qoyskiisa markii ay ka gudbeen koontaroolka.

Xigasho:BBCSomali