Maxkamadeyntii Quraanshada iyo Adiga.(Bal Aqri si aad u Fahanto).
1 min read

Maxkamadeyntii Quraanshada iyo Adiga.(Bal Aqri si aad u Fahanto).

Quraansho ayaa hal xabo oo Sokor ah ka xaday Bahda Shacabka Xasharaadka. Saxaafadii ayaa aad uga hadashay xatooyadda Quraanshada, Shacabkii ayaa ku kacay, Qoraanshadii ayaa maxkamad la soo istaajiyay shacabkii Xasharaadka oo dhan ayaa ku farxay in cadaaladda la marsiiyo Quraanshadda, waxaana lagu Xakumay Xabsi Daa’im. (F.S:1aad).

Maroodi ayaa dhowr Loor oo sokor ah ka xaday Shacabka Xasharaadka waxa uu saartay Dushiisa, joogiisa oo aad u dheer dartii Xashaardku badanaa ma arki karaan, kuwii arkana uma suura galeeyso in ay Maroodiga soo xiraan. (F.S:2aad)

Bishii Ramadaan ayaa la gaaray, Maroodigii waxa uu bilaabay in uu Xasharaadka Masaakiinta ah siiyo Hal hal xabo oo ah Sokor si ay ugu Af-furaan, waana isla Sokortii uu ka Xaday Shacabka Xasharaadka, kadibna waxa ay ugu duceeyeen Maroodigii in Hantidiisa Alle u barakeeyo, Dambigiisana Alle u cafiyo. (F.S:3aad)

Mudane/ Marwe Adiga Quraanshada ah, Tani ma ka dhacdaa, Bulshada aad la nooshahay? .

Qore:Yahya Amir