Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay.
1 min read

Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo Muqdisho ka furmay.

Magaalada Muqdisho waxa shalay gaaray inta badan madaxda maamul goboleedyada, halkaas oo uu maanta ka bilowday shirka madaxda dawladda federaalka iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Madaxda shirka Muqdisho ka qaybgalaysa waxa kamid ah Madaxwyeynaha Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka gudoominaya, Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ra’isul Wasaare Kuxigeen Saalax Jaamac, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Shirka golaha wadatashiga ee NCC ayaa baaqday bishii ina dhaaftay ee April, in kastoo madaxtooyadu ku sheegtay sababta uu u baaqday arimo farsmo ayaa haddana waxa jiray doodo dhinacyada u dhaxeyeay oo aan xal laga gaarin shirka ka hor.

Dhinaca kale waxa shirka qaadacday oo sheegtay in aanayba aqoonsaneyn dawladda federaalka dawlad goboleedka Puntaland oo dhawr jeer oo horena ka baaqsatay ka qaybgalka shirrarka golaha wadatashiga qaranka.

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay ka arrinsanayaan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan dar dargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dhameystirka dastuurka dalka.