02 May, 2024
1 min read

CC Warsame: “Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed…”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay jiraan dowlado shisheeye iyo kooxo Soomaali ah oo ka soo horjeeda inuu guuleysto dagaalka ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab. Xildhibaan CC Shakuur ayaa doqon ku tilmaamay siyaasigiin libin ka raadinaya ragaadinta dagaalka xaqa ah ee lagu soo afjarayo Khawaarijta. Cabdiraxmaan […]

1 min read

Faransiiska oo dugsiyada wax barashada ka mamnuucay cabaayadaha ay xirtaan gabdhaha Muslimiinta.

Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ka barta Faransiiska ayaa laga mamnuucayaa xirashada cabaayadaha oo ah dhar waaweyn oo astur ah, waxaana la qorsheynayaa in laga mamnuuco dugsiyada ay maamusho dowladda Faransiisku, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada. sharcigan ayaa la qorshaynayaa in la dhaqan geliyo isla marka sanad dugsiyeedka cusub uu billowdo 4ta bisha Sebtembar ee […]

1 min read

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta ka dooday habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriayadda federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo guddoomiyaha golaha aqalka sare mudane Cabdi Xaashi iyo ku xigeennada labada aqal ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 3-aad kulankiisa 5-aad ee wadajirka ah. Ajandaha kulankaan oo ahaa akhrinta iyo ka doodista habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka […]

1 min read

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda. Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama […]

1 min read

Mucaaradka Somaliland oo ka jawaabay go’aanka guddiga dhexdhexaadinta.

HARGEYSA — Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa soo dhaweeyey islamarkaana sheegay inay aqbaleen go’aankii ay guddiga dhexdhexaadinta ay xalay ka soo saareen xal-u-helida murankii siyaasadeed ee ka taagnaa Doorashooyinka Somaliland. Go’aanka dhexdhexaadin ayaa ahaa in doorashada xisbiyada iyo ururrada siyaasadda oo la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka December ee sannadkan dib loo dhigo, lagana […]

2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh” Al-Shabaab waa xaaqin, shacabkana waa dhulkii, xaaqinka ayaanna dhammaanaya”, ( Warbixin)

Muqdisho :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xiritaanka shirka 7-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Dhusamareeb ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka Dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda gobollada Dalka gaar ahaan howgallada hadda ka socda deegaannada Galmudug. Madaxweynaha […]

1 min read

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay guddiga xasillinta degaannada laga xoreeyay khawaarijta

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug. Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan arrimaha xasillinta iyo adeeg gaadhsiinta shacabka ku dhaqan deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaarijta. Xubnaha guddiga ayaa dhankooda […]

1 min read

Wasiirad shaqada looga joojiyay kulan ay la qaadatay wasiir kale darteed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Liibiya ayaa shaqada laga joojiyay ka dib markii ay soo baxday in ay magaalada Rome kula kulantay dhigeeda Israel todobaadkii hore kulan aan lala socodsiin maamulka dalkaasi. Israel ayaa ku tilmaantay kulankaas mid taariikhi ah oo lagu hagaajinayo xiriirka labada dal. Laakin Najla al-Mangoush ayaa sheegtay in ay ahayd fursad iyo […]