1 min read

Mucaaradka Somaliland oo ka jawaabay go’aanka guddiga dhexdhexaadinta.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani ayaa soo dhaweeyey islamarkaana sheegay inay aqbaleen go’aankii ay guddiga dhexdhexaadinta ay xalay ka soo saareen xal-u-helida murankii siyaasadeed ee ka taagnaa Doorashooyinka Somaliland.

Go’aanka dhexdhexaadin ayaa ahaa in doorashada xisbiyada iyo ururrada siyaasadda oo la qorsheeyey inay dhacdo 28-ka December ee sannadkan dib loo dhigo, lagana dhigo 13-ka November 2024, iyo in doorashada xibsiyada iyo ururrada, iyo tan madaxweynennimada la isa saaro, lana qabto 13-ka November 2024-ka.

Doorashada madaxtinnimada ee soo socota ayaa guddiga dhexdhexaadintu go’aamiyeen inay ka qyabgalaan saddexda xisbi ee haatan jira.