1 min read

Dharka kaliya ha fiirin ee Fiiri Qofka ku dhax jiro, Qofka uu yahay!!!!

Dharka kaliya ha fiirin ee Fiiri Qofka ku dhax jiro, Qofka uu yahay. ( F.S: 1-4aad)

Dharkaaga markii kuugu horeeysay waa laguu labisay, kadibna Adigaa Labistay. Marka ugu dambeeysana waa laguu labisaa.
Wiilloow: Dharkaa dambe yuuna noqon Markii ugu horeysay ee aad Masjid gashay si janaaso laguugu tukado, Adiga oo xiran dharkii laguu labisay, ayna tahay markii ugu horeysay ee aad Masjid dhaxdii joogto.
Gabareey: Jirkaaga inta lagu faray ka wada astur. Marka kaliya ee aad jirkaaga dhar wada qariyo lagu labisay yeeyna noqon Marka aad dhimato ee lagu karfano.

Ma diidani in aad dhar wanaagsan xirato si aad Salaadda jimcaha u aado. Laakin in aad ku fikirto dhar qaali ah oo aad ugu labisato Goob fisqi ama is tus Madaxeed ayaan ila wanaagsaneeyn. Kuma lihi is qaawi, in kasta oo aan ogahay Mid ka mid ah Raaxadda Beni aadamka tan ugu wanaagsan uguna wax soo saarka badan in ay dhacdo iyada oo la qaawan yahay oo dharkii Qaaliga ahaa la iska wada tuuray.

Dharka, dharka kalya ha fiirin ee Qofka ka hooseeyo fiiri. Waa iga talo.

Qore: Yahya Amir