Nasashadda Jimcaha. Q-419 =Cudurkaan ma ku dhacaa Siyaasiyiinta Somalida?.=
2 mins read

Nasashadda Jimcaha. Q-419 =Cudurkaan ma ku dhacaa Siyaasiyiinta Somalida?.=

1A. Wiil ayaa laga wacay “interview” uu shaqo IT Company uga dalbaday . Madaxdii shirkadda ayaa weeydiisay sida uu halkaan ku soo gaaray in interview – ga loo ogolaado.

Waxa uu yiri: waxaan Jabsaday Computer-kiina kadibna waxaan isku casuumay interview- Short list. (F.S:1aad)

( Shaqa ma siin leheed Wiilkaan)

2B. Nin Shaqo soo doontay ayaa markii uu guuleystay lagu yiri: Mushaarku hadda waa 15.000 Laakin, 6 Billood kadib waxa uu noqonaa 20.000.waxa uu yiri: Ok, waxaan iska imaanaa 6 Bilood kadib. ( F.S:2aad).

(Ninkaan shaqo ma siin leheyd?)

2. Naag ayaa Ninkeedii oo Siyaasi ahaa u geysay Dhakhtar, kuna tiri: Datore, Ninkeeyga waxaa ka dhuntay Xasuustii. Doorashadii kadib. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: Taasi waa iska caadi, waa cudur ku dhaco Siyaasiyiinta doorashada kadib, ( F.S:3aad).

( Cudurkaan ma ku dhacaa Siyaasiyiinta Somalida?)

3. Wiil ayaa Aabihii ku yiri: Aabe, waxaan rabaa in aan Daawado TV-ga. Aabihii ayaa ku yiri: Ok, iska Daawo TV-ga, laakin ha shidin. ( F.S:4aad)

( Somaliya ma ka jirtaa, Xur ayaad u tahay, waxa sucdo kor ka daawo, Laakin ha faragashan)

4. Ha isku dayin in aad Wada qanciso Dadka kale. Sababta oo ah Caqligooda ayaa kala duwan, midba wax ayuu ku qancaa. ( F.S:5aad)

( Si aad u qanciso Somalida badankooda, Lixdaan Sawir kee muujinaa si loo qanciyo)

5. Haweneey ayaa waxa ay aragtay Nin ku shaqeysto, in uu Turumbo Afuufo, si Maska iyo Xariga indha sarcaadku ay kor ugu kacaan, Ninkii ayeey Guursatay, Habeenkii Aqal galka waxa ay soo qaadatay Turumbo si ay u afuufto. Maxey u dan leedahay?. ( F.S:6aad)

( Si Siyaasadda Somalidu kor ugu kacdo, Xildhibaanada Turumbadee loo Afuufaa?)

6. Naag ayaa tiri: Waxaan Raacay Bajaaj. Ninkii Bajaajlaha ahaa oo ii faanayo ina shukaansanyo, ayaa igu Yiri: Shaqadeeyda waan ku Qanacsanahay. Bajaajteydana Anigaa iska leh, khiyaarkeeyga ayaan ku shaqeystaa, mana jiro Qof Amar i sii karo.
Waxaa ku tiri: Xaafadeydu waa taa ee Bidix u leexo. Amarkeedii ayuuna qaatay, (F.S:7aad)

( Siyaasiguna ha ogaado in uu Bulshada u shaqeeyo, oo halkii ay ku yiraahdii Nagu hag in uu ku hago)

Qore :Yahya Amir