1 min read

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay guddiga xasillinta degaannada laga xoreeyay khawaarijta

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay guddiga xasillinta Galmudug.

Guddiga oo ah heer wasiirro ayuu Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan arrimaha xasillinta iyo adeeg gaadhsiinta shacabka ku dhaqan deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaarijta.

Xubnaha guddiga ayaa dhankooda ballan-qaadeen inay  dedaal dheeri ah gelin doonaan sidii adeegyada bulsho ee aasaasiga ah loo gaadhsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey khawaarijta.