1 min read

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS oo kulan la qaatay Culimada Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo uu weheliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah culimada iyo ducaadda Wasaaradda.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa dardar gelinta iyo xoojinta howlaha wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirka ah, maadaama lagu guda jiro dhameystirka wajiga koowaad ee dagaalka ay dadka iyo dowlada Soomaaliyeedba ay kula jiraan Khawaarijta.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa ducaadda uga mahad celiyey doorkii muuqdey ee ay kasoo qaateen baraarujinta bulshada iyo ciidamada qalabka iyo caddeynta xaqnimada dagaalka hubeysan iyo midda fikirka ah ee lagula  Khawaarijta iyo guud  ahaan garab istaagii iyo taageeradii ay culimaa,udiinka Soomaaliyeed u muujiyeen Dowlad Federaalka Soomaaliya, si Dalka loo xoreeyo haraadiga Khawaarijta.