2 mins read

Madaxweyne Xasan Sheekh” Al-Shabaab waa xaaqin, shacabkana waa dhulkii, xaaqinka ayaanna dhammaanaya”, ( Warbixin)

Muqdisho :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinayay munaasabadda xiritaanka shirka 7-aad ee golaha wadatashiga qaranka oo lagu soo gabo-gabeeyay magaalada Dhusamareeb ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka Dalka looga xoreynayo Khawaarijta ee ka socda gobollada Dalka gaar ahaan howgallada hadda ka socda deegaannada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dhul ballaaran laga xoreeyay Khawaarijta oo ay 15-sanno shacabka Soomaaliyeed ku dhibaateyn jireen, kuwaas oo hadda xor ah, neecowda Dowladnimana laga dareemayo, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Shabaab ay yihiin xaaqin, shacabkana dhulka, xaaqinkana uu dhammaanayo.

” waxaan rabbaa inaan ummadda Soomaaliyeed u sheego, Shabaab, maxaa la dhihi jiray xaaqinka iyo dhulka, xaaqinkaa dhammaado, dhulka soo haro, shabaab waa xaaqinkaas, shacabkana waa dhulkii, shacaabkaaba soo harayo, waana muuqataa inuu soo haray, dhul aan 15-sanno iyo 16-sanno la soo dhaafay aan la marin oo aan nabad lagu marin òo laga leexan jiray ayaa hadda isbeddelay, markaan sii soconana waa isa sii beddeli doonaa”, ayuu yiri madaxweynaha JFS.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay in aysan jirin goob looga haraayo Khawaarijta oo dalka oo dhanka laga sifeynayo.

” Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan meel shabaab lagu fiirsanaayo oo looga haraayo oo raali looga yahay in uu Shabaab cawo ku sii hoydo dhulkooda ma jirto, waa lagu soo socdaa waanna laga saarayaa, nimankaas dadka, Dalka iyo Diinta mid ay u tureen oo ay wax u reebeen wax u dhaqaaleeyeen midna ma jirto, waxayna iyagu lahayn annagaa iska leh, Diinta annagaa leh, Dalka annagaa leh, dadku waa dadkeyagii annaa leh, waa ia ceshaneynaa waxa aan leenahay iyaga waxa leeyihiinba ma lahan ee meesha ay aadayaan iyagaa garanaya,”.

Alle mahaddii, waxaa la arki doonnaa goor aan dheereyn, Soomaaliya oo xor ka ah Khawaarij iyo Khawaarij kal kaal. Dowladda Federaalka ayaa xoogga saareysa in ay adeegyada asaasiga ah gaarsiiso deegaannada laga xoreeyay Khawaarijta.