1 min read

Faransiiska oo dugsiyada wax barashada ka mamnuucay cabaayadaha ay xirtaan gabdhaha Muslimiinta.

Gabdhaha Muslimiinta ah ee wax ka barta Faransiiska ayaa laga mamnuucayaa xirashada cabaayadaha oo ah dhar waaweyn oo astur ah, waxaana la qorsheynayaa in laga mamnuuco dugsiyada ay maamusho dowladda Faransiisku, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada.

sharcigan ayaa la qorshaynayaa in la dhaqan geliyo isla marka sanad dugsiyeedka cusub uu billowdo 4ta bisha Sebtembar ee sannadkan. Khadiijo Qalanjo oo ah saxafiyad deggan magaalada Paris ayaa BBC uga warrantay sababta ay dawladdu go’aankan u gaartay iyo sida ay muslimiintu u arkaan.

Waxa ay Khadiijo sheegtay in wasiirku uu ku saleeyay amarkan mamnuucidda wax kasta oo astaan diimeed ah maadama dalka Faransiisku aaminsan yahay ka fogaanshaha diinta.

Faransiiska waxaa ku nool malaayiin Muslimiin ah oo qaarkood halkaas kasoo jeeda asla ahaan halka kuwa kale ay qoxooti ku tageen. Talaabadan ayaa sameyn doonta dhamaan gabdhaha muslimiinta ah ee dhigta dugsiyada wax barashada ee dalkaas.