1 min read

CC Warsame: “Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed…”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo saaray qoraal uu ku sheegayo inay jiraan dowlado shisheeye iyo kooxo Soomaali ah oo ka soo horjeeda inuu guuleysto dagaalka ay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab.

Xildhibaan CC Shakuur ayaa doqon ku tilmaamay siyaasigiin libin ka raadinaya ragaadinta dagaalka xaqa ah ee lagu soo afjarayo Khawaarijta.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa balan-qaaday inay sii garab taagnaa doonaan oo ugu hiili doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh dagaalka uu kula jiro Khawaarijta.

Qoraalka CC Shakuur oo dhameystiran:

Waxaa jira dawlado iyo kooxo ku daaban oo si toos ah iyo si dadbanba u taageeraya kooxda argagexisada ee AS. Dawladahaasi waa kuwo ka macaasha in ay dunida dalaal uga yihiin galaangalka argagexisada, halka kooxaha ku daabani ay u arkaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu hollinayo libin ay ku dhaceeda yeelan waayeen.

Waxayse ogayn in cadawgan uu yahay kii kun Soomaali maydkooda maalin Zoobe waray, kuwii hal doorkeena sheekh, macallin, dhakhtar, sarkaal, injineer, ganacsade, siyaasi, saxafi, hobol, iyo safiir naga ugaarsanayey, kuwii Soomaali gumeeyey ee asaageed u loogay.

Waa nacas kii aan garan in argagexisada AS ay halis ku yihiin jiritaankeena ummadeed, waxaase ka sii liita ruuxii isagoo og dhibco siyaasadeed ka dhex raadiya.

Waxaan garab taaganahay Madaxweynaha iyo inta hoggaanka dagaalka ku hawlan, waxaan boggaadinayaa ciidanka xooga dalka iyo macawiislayda naftood hurayaalka ah ee furumaha dagaalka ku hortaagan cadawga, waxaan Alle uga baryayaa in uu shahaadada ka aqbalo geesiyaalkii ku naf waayey la dirirka argagexisada.