August 25, 2023
Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jambaluul.
Muqdisho :-Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada hoose ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas. Sidoo kale waxaa ay burburiyeen goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen dadka shacabka oo ay ku baaran jireen argagixisada. Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta […]
Ciidamada dowladda oo Howlgal amni xaqiijin ah ka wada magaalada Ceelbuur.
Ceelbuur :-Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka wadda degmada Qadiimiga ah ee Ceel-buur. Ciidanka xoogga dalka ayaa gudaha u galay magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada ayaa lagu yiri war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga. Ka dib […]
Ra’iisul wasaaraha JFS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.
Dhuusamarreeb :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb. Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul ku xigeenka […]
Dowalada Soomaaliya oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta Degmada Ceelbuur.
Dowlada Soomaliya aya ku dhawaaqaday in ay la wareegtay gacan ku haynta Degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Taliyaha cidaanka xooga dalka Sooomaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta la wareegeen magaalada. Howlgalka lagula wareegay magaalada Ceelbur ayaa ah dhameystirka wajiga kowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab taasi oo u u ku dhawaaqay madaxwerynaha […]
Ciidamada SSC oo sheegtay inay qabsadeen taliska Goojacadde.
Dagaallo xooggan oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka la baxay SSC Khatumo ayaa maanta la sheegay inay ka dhaceen deeggaanno ka tirsan gobolka Sool. Dagaal culus ayaa saaka waabigirii ka billowday deegaanka Maraaga oo bariga kaga toosan magalada Laascaanood. Sidoo kale dagaallo xooggan ayaa ka dhacay taliska cidiamada Somaliland ee Goojacadde. Waxaa adag in […]
Guddoomiyaha G/Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb.
Dhuusamareeb :-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb ee Caasimada Dowladda goboleedka Galmudug. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb kuso dhoweyey Wafdiga uu hogaaminayey Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho. Ujeedka socdaalka Guddoomiyaha […]
Nasashada Jimcaha. Q- 371= (Xisaabtan ma xumo, Bakhiilnimo badatayna kaba daran)=
1. Haweeney ayaa Ninkeeda ku tiri: weligaa meeqa mar ayaad i khiyaantay? Waxa uu yiri: yaaba tiri karo inta mar ee aan ku khiyaanay, kama yaro Cadadka Timaheeyga. Waa ku soo booday iyada oo faraxsan, Labada dhafoor ayeeyna ka dhunkatay. ( F.S:1aad). ( waxa ay ogeyd in aan Madaxiisa laga helin Hal xabo oo tin […]
Sirdoonka Maraykanka oo ka hadlay shilkii diyaaradeed ee lagu dilay madaxii Wagner Group.
WASHINGTON – Qiimayn hordhac ah oo ay sameeyeen sirdoonka Maraykanku ayay ku sheegeen in shilkii diyaaradeed ee loo malaynayo in lagu dilay hoggaamiyihii kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner Group, Yevgeny Prigozhin, inuu ahaa mid uu sababay qarax ula kac ah, xilli Madaweynaha Ruushka Vladimir Putin uu khamiistii ammaan u jeediyey hoggaamiyaha la dilay. […]
Shirkadda Elon Musk oo loo haysto inay diiday shaqaalaynta qaxootiga iyo magan-gelyo doonka.
Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogaysa Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, iyada oo lagu eedaynayo in shirkaddiisu ay diiday shaqaalaysiinta dadka qaxootiga ah iyo magan-gelyo doonka. Dacwaddan laga gudbiyey ayaa lagu sheegay in Elon Musk iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkaddiisu inay si been abuur ah u sheegeen, in […]