1 min read

Dowalada Soomaaliya oo sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta Degmada Ceelbuur.

Dowlada Soomaliya aya ku dhawaaqaday in ay la wareegtay gacan ku haynta Degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, Taliyaha cidaanka xooga dalka Sooomaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ay maanta la wareegeen magaalada.

Howlgalka lagula wareegay magaalada Ceelbur ayaa ah dhameystirka wajiga kowaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab taasi oo u u ku dhawaaqay madaxwerynaha Soomaaliya Hassan Sheekh Maxamuud.

Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinka ugu faca weyn gobolka Galgaduud ayay gacanta ku hayeen Al-shabaab muddo dhowr iyo toban sano ah.

Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay ka hor inta aysan gacanta kudhigin Ceelbuur inay la waregeen magaalooyin yaryar oo degmada ku hareysnaa.