1 min read

Ra’iisul wasaaraha JFS oo gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamarreeb :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul ku xigeenka Saalax Axmed Jaama.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedkiisu yahay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.