1 min read

Ciidamada dowladda oo Howlgal amni xaqiijin ah ka wada magaalada Ceelbuur.

Ceelbuur :-Ciidanka xoogga dalka  oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka wadda degmada Qadiimiga ah ee Ceel-buur.

Ciidanka xoogga dalka ayaa gudaha u galay magaaladda Ceelbuur iyagoo halkaas ka wadda howlgal looga sifaynayo Khawaarijta iyo dhagartooda si loo hubiyo amniga magaalada ayaa lagu yiri war-saxafadeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga.

Ka dib markii ay si buuxda gacanta ku dhigeen oo ay kala wareegeen argagixisada Khawaarijta ah ee Al shabaab.

Ceelbuur ayaa ahayd goobtii ugu weyne ee khawaarijta ay ka joogeen Galmudug iyo Hirshabeelle.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxafdeedka.