1 min read

Ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Jambaluul.

Muqdisho :-Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellada hoose ku burburiyey Maxkamad Beenaadkii Khawaarijta ee deegaankaas.

Sidoo kale waxaa ay burburiyeen goob ay lacagaha baadda ah uga qaadayeen dadka  shacabka oo ay ku baaran jireen argagixisada.

Ciidamada ayaa howlgalka intii uu socday gacanta ku dhigay ilaa 5 Mooto oo Khawaarijta u adeegsan jireen dhibaateynta Shacabka iyo jid gooyada ay ku baadayeen dadka.