2 mins read

Shirkadda Elon Musk oo loo haysto inay diiday shaqaalaynta qaxootiga iyo magan-gelyo doonka.

Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogaysa Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, iyada oo lagu eedaynayo in shirkaddiisu ay diiday shaqaalaysiinta dadka qaxootiga ah iyo magan-gelyo doonka.

Dacwaddan oo la xeereeyey maalinimadii Khamiista, ayay waaxda cadaaladda ee Maraykanku ay ku sheegtay in intii u dhexeysay 2018 illaa 2022, inay shirkadda SpaceX, ay ku xad-gudubtay shuruucda socdaalka ee Maraykanka.

Dacwaddan laga gudbiyey ayaa lagu sheegay in Elon Musk iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkaddiisu inay si been abuur ah u sheegeen, in shirkaddoodu ay shaqaalaysiiso oo keliya, dadka haysta dhalashada Maraykanka ama kuwa haysta deganaanshaha rasmiga ah.

“Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in qofka laga shaqaalaysiinayo shirkadda SpaceX inuu haysto ugu yaraan deganaansho rasmi ah, maadaama ay shirkaddu ka shaqayso agab hub ah oo casri ah oo horumarsan” ayuu bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku qoray Elon Musk, bishii June 16-keedii ee sannadkii 2020.

Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay in dhab ahaantii, aanay sharciyada xakamaynta dhoofintu lahayn wax xadidaad ah.

Shuruucdani waxay xadidaan in farsamada casriga ah ee xasaasiga ah loo wareejiyo dalal kale, hase ahaatee kama hor istaagaan shirkadaha farsamada casriga ah ee waaweyn, sida SpaceX oo kale, inay shaqaaleeyaan, dadka qaxootiga ah ama dadka kale ee ay dawladda Maraykanku magangelyada siisay, ee ku sugan gudaha Maraykanka (Hase ahaatee dadka ajnebiga ahi, waxay u baahan yihiin inay helaan ogolaansho gaar ah).

Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa sheegtay, in iyada oo la raacayo shuruucdan, in shirkadda SpaceX ay awood u lahayd inay shaqaalayso dadka magan-gelyo doonka ah ama dadka qaxootiga ah, iyaga oo ka shaqayn karayey boosaska ay qaban karaan isla muwaadiniinta Maraykanka ama dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah.

“Marka qofka qaxootiga ah ama magangelyo doonka ah la shaqaaleeyo, wuxuu awood u yeelanayaa inuu macluumaadka iyo xogaha dhex galo, isaga oo aan u baahanayn ogolaansho dheeraada ah oo dhinaca dawladda, sida muwaadiniinta Maraykanka iyo dadka haysta deganaanshaha rasmiga ah” ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay waaxda cadaaladda ee Maraykanka.

VOA ayaa isku dayday inay dacwaddan wax ka weydiiso shirkadda SpaceX iyo inay wax ka bedeshay hannaankeeda shaqaalaynta, hase ahaatee kama aysan soo jawaabin.

Waxaa qoray Masood Farivar